Muqdisho
From Wikipedia
Muqdisho ama Xamar waa magaalo-madaxda Soomaaliya. Waxayn ku taalla gobolka Banaadir ee Koofur-Bari ee dalka. Waxayna saaran tahay Badweynta Hindiya.
Taariikhda Muqdisho waa mid da'weyn ah oo si qeexan uga muuqata taariikhda qaaradda, Carabta, Hindiya iyo Shiinaha. Waxaa gaar ahaan uga hadlaya Muqdisho ama Xamar qoraaga Muslimka ah ee reer Maqrab, Ibn-Batuta oo booqday magaalada 675 sanadood ka hor. Eeg buuga safarradiisa ama "Rixlaat Ibn Batuuta" ee Afrika iyo Aasiya.